Wareega koowaad ee doorashada guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo la soo gaba-gabeeyey (Toos u daawo)

Published: January 12, 2017

Xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho waxaa si hamsami leh uga socota doorashada guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad ee golaha shacabka.

Waxaa kulanka shir guddoominaya xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ah guddoomiyaha KMG ah.

Dr. Cabadiraxmaan Ducaale Beyle oo ah guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada doorashada guddoonka golaha shacabka xayaa sheegay in doorashada labada guddoomiye ku xigeen hal ay la wada dooran doona taa oo micinaheedu yahay in xildhibaanka labo warqadood loo dhiibi doono si waqtiga looga faa`ideysto.

Doorashada Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliy oo dhex talay xildhibaanada ka yimid Beesha shanaad ee iska leh 31 xildhibaan oo ka soo kala jeeda beelo kala duwan.

Musharixiin gaaraya 6 ayaa ku tartamay

Waxa ay kala ahaayeen musharaxiintaasi Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Khadiija Maxamed Diiriiye, Siciid Xuseen Ciid iyo Khalid Macow Cabduqaadir.Cabdweli Sheekh Ibraahim Muudey

Wareegga koowaad ayaa waxaa ugu cod batay tirinta codadka kadib xildhibaan Cabdi Weli Sheekh Ibraahim Muudey oo helay 111 cod iyo Faarax Cabdulqaadir oo helay 94 cod.

Khadiijo ayaa heshay 27 cod, Siciid Xuseen Ciid ayaa helay 17-cod. Jaylaani Iikar wxuu helay 4 cod halka Khaalid Macoow uu helay 7.

Waxaa wareega labaad u wada gudbay musharixiinta kala ah Cabdiwweli Sheekh Muudeey , Faarax Sheekh Cabdiqaadir iyo Khadiijo Maxamad Diiriye

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *