Furitaanka Tareenka isku xiraya Jabuuti iyo Itoobiya – VIDEO

Published: January 12, 2017

Waxaa si rasmi ah xariga looga jaray Khadka Tareenka ee isku xiraya Jabuuti iyo caasimada Itoobiya ee Addis Ababa, mashruucan ayaa waxaa ku baxay in ka badan 4 bilyan oo dollar.

In kabada 70% dhaqaalaha ku baxay mashruucan ayaa waxaa bixiyey Bangiyada Maalgashiga ee dalka Shiinaha, halka dhaqaalaha intiisa kale ay bixisay Dowlada Itoobiya oo dooneysa inay ka faa┬┤iideysato dekada Jabuuti.

Khadkan tareenka ee isku xiraya labada dal oo dherarkiisa ka badan yahay 600 km ayaa ah mid kamid ah mashaariicda ugu waaweyn ee gobalka laga hirgeliyey.

Dowlada Jabuuti ayaa dadaal xoogleh u gashay in ay gacanta ku dhigto Suuqa Ganacsiga ee Itoobiya dhinaca wax soo dajinta iyo Dhoofinta maadaama Itoobiya aysan heysan wax bad ah. Dekkada Jabuuti ayaa loolan xoogan kula jirtay dekaddaha Soomaalida sida dekada Berbera ee Somaliland iyo Kenya oo ay horey Itoobiya u isticmaali jirtay.

Mashruucan ayaa la dhameystiray xili ay weli doodi ka taagan tahay mashruuc kale oo lagu doonayey in lagu balaariyo marsadda Berbera oo ay xukuumada Itoobiya gadaal ka riixeysay, walow hada ay soo baxeyso su┬┤aalo la xariira in dalka Imaaraadka uu ka dhabeyn doono balaarinta dekaddaasi.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *