Madaxweynaha Puntland oo La Kulmay Wefti Ka Socdey Saldanada Cumaan.

Published: January 12, 2017

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kulan kula qaatay qasriga madaxtooyada Dawladda Puntland ee magaalada Boosaaso wefti balaaran oo ka Socday Saldanada Cumaan.

Weftigan oo ka soo kicitimay Dalkaasi Cumaan ayaa isugu jirey masuuliyiin ka socdey rugta gacansiga, wasaarad Ganacsiga Saldanada Cumaan, maamulka sare ee diyaarada Salaala Airline iyo saraakiil ka socdey Madaxtooyada Saldanadaasi.

Warsaxafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in ujeedada Kulankan uu Madaxweynuhu la qaatay wefdiga ay la xiriirto horumarinta ganacisga, iyo sidoo kale inay doonayaan in ay maalgashtaan degaamadda Puntland.

Masuuliyiintii ka socotay shirkada diyaaradaha ee Salaala Airline ayaa dhankooda sheegay in ay ka bilaabi doonaan duulimaadyo ay uga kala dhex gooshi doonaan wadankaasi Cumaan, Puntland iyo gebi`ahaanba Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo uga mahad naqay booqashada weftigani ay ku yimaadeen Puntland iyo dedaalka ay ku doonayaan inay ku maalgashadaan Puntland, waxaana madaxweynuhu uu sheegay in ka Dawladd ahaan ay ufududayn doonaan wax kasta oo hirgelinaya xiriirka wadashaqayneed iyo kan ganacsi ee Saldanada Cumaan iyo Puntland

Dhinaca kale musuuliyiinta ka socodey Dalka Cumaan ayaa dhankooda madaxweynaha Dawladda Puntland uga mahad naqay soo dhoweynta wanaagsan ee uu ku qaabilay iyo sida niyadsamida leh ee uu ku taageeray feker kooda ah inay maalgashadaan Puntland taas oo horumar iyo sharaf u ah shacabka iyo Dawladdaha labada Wadan.

Gabagabadii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa timaamay inay soo dhoweynayaan cidwalba oo doonay-naysa inay maal gashtaan Puntland, waxaana uu madaxweynuhu ku booriyey ganacsatada reer Puntland ee joogta dalka debediisa inay ku soo hirtaan Maalgashiga dhulkooda hooyo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *