USA: Trump oo beeniyey in Ruushka ay isaga SIR ka hayaan – VIDEO

Published: January 12, 2017

Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump ayaa qabtay markii ugu horeysay tan iyo doorashadii dalkaasi shir jaraa┬┤iid, waxaana warsaxaafadeedkan lagu soo beegay saacado kadib markii qaar kamid ah saxaafada ay shaaciyeen xog ku aadan xiriirka ka dhaxeeya Trump iyo Ruushka.

Donald Trump ayaa caradiisa kula dhacay warbaahinta CNN iyo Buzzfeed oo shaaciyey xog sheegaysa in Ruushka uu sir badan ka hayo Donald Trump taasina keentay inuu u debecsanaado wadankaasi ay cadaawada ka dhaxeyso Maraykanka.

Trump ayaa tan iyo doorashadii dalkaasi ka dhacday diidayey xogta uu ka helayo Sirdoonka Maraykanka oo sheegaysa in Ruushka uu jabsaday computerada xisbiyada dalkaasi isla markaana saameyn ku yeesheen natiijadii doorashadii uu isagu ku guuleystay.

Hase yeeshee Donald Trump ayaa xogta sirdoonka Maraykana iyo waliba xogta ay shaaciyeen Saxaafada ku tilmaamay warar been abuur ah oo aan wax sal iyo raad ah lahayn, wallow uusan Trump wax cadeyn ah uusan soo bandhigin.

Dhinaca kale Donald Trump oo cadaadis xoogleh kala kulmaya sharci yaqaanada ayaa iska difaacay talada loo soo jeediyey oo ah inuu faraha kala baxo shirkadihiisa ganacsiga mar hadii xilka Madaxweynaha loo doortay, isagoona sheegay in Shirkadihiisa ganacsiga uu ku wareejin doono Labadiisa wiil, balse uu shirkadahaasi dib ulla wareegi doono markuu xilka ka dego, arrintaasi oo weli la iska weydiinayo su┬┤aalo badan.

Sharci yaqaanada Maraykanka ayaa sheegaya in Mas┬┤uuliyiinta sare ee dowlada ay sharciyan khasab tahay inay faraha kala baxaan ganacsiga ay ku jireen si aysan isaga horimaan ama xiriir u yeelan ganacsigooda iyo xilka ay hayaan, taasi oo looga gaashaamanayo musuq maasuqa iyo in ay lacag ka sameeyaan xafiiska dowlada.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *