Xildhibaan Cawad oo Mar kale Noqday Guddoomiye K/xigeenka Labaad ee Barlamaanka

Published: January 12, 2017

Xildhibaan Mahad Cabdalle Cawadayaa mar kale noqday guddoomiye k/xigeenka labaad ee Barlamaanka Federaalka, ka dib markii uu cod aqlabiyad ah uu kaga guulaystay xildhibaan C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in xildhibaan Cawad ayaa wareegii labaad ee doorashada helay codad gaaraya 171, halka murashixii kula tartamayay jagada uu helay codad ku dhow 88, taasi oo ka dhigaysa inuu mar kale si aqlabiyad ah ugu guulaystay inuu noqdo guddoomiye k/xigeenka Labaad ee Barlamaanka.

Guud ahaan 259 xildhibaan ayaa soo xaadiray maanta, waxaana Musharixii guuleysanaya looga baahnaa inuu helo codadka 139 oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka.

Gabagabadii, xildhibaan Cabdiweli Muudeey ayaa ku guulaysta Gudoomiye K/xigeenka 1aad ee Barlamaanka , isagoo ka adkaaday Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo xulafo dhow yihiin madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Xasan shiikh Maxamuud.

Natiijadda Codadka ay kala helaan Labad Guddoomiye K/xigeen Goor dhow Filo

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *