Fursada Cusub ee Baarlamaanka Federaalka – VIDEO

Published: January 13, 2017

Doorashadii Khamiistii shalay lagu soo gaba gabeeyey ee xulista Guddoomiye kuxigeenada cusub ee Aqalka Hoose iyo tii kasii horeysay ee Guddoomiyaha ayaa ah mid muujineysa in Baarlamaanka Soomaaliya helay fursad cusub oo ay wax uga bedali karaan mustaqbalka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.

Maxamed Cismaan Jawaari ayaa mar labaad ku guuleystay Doorashada Guddoomiyaha si fududna wareega kowaad ugu durduriyey murashaxii sida weyn loo hadal hayey ee Cabdirashiid Xidig oo la tuhunsanaa inay wateen Xisbiga Madaxweynaha ee Damuljadiid iyo waliba dowlada Itoobiya.

Guusha Jawaari ayaa la oron karaa waxay ahayd mid aan shaqsiyan isaga la xariirin balse xildhibaanada codka dhiibayey ay si weyn uga cararayeen inuu soo baxo Cabdirashiid Xidig taasi oo ahayd fariin muhiim ah oo ku socotay Villa Soomaaliya iyo Dowlada Itoobiya oo xiligan la sheegay inay isu baheysteen sidii dib loogu soo dooran lahaa Madaxweynaha xilka ka dhamaaday Xasan Shiikh Maxamuud oo ay garab socdaan xulafadiisa la baxday Damuljadiid.

Prof.Jawaari afartii sano ee lasoo dhaafay waxaa jiray dhaliilo badan oo loo soo jeedinayey markay noqotay qaababkii loo maareyn jiray mooshinadii ka imaan jiray dhinaca Xafiiska Madaxweynaha ee lagu riday labadii Raysalwasaare ee xukuumadihii Saacid iyo Cabdiweli, balse wuxuu hada helay fursad labaad waxaana la ogeyn qaabka uu uga faa┬┤iideysan doono fursadan dahabiga ah.

Doorashadii shalay ee Guddoomiye kuxigeenka kowaad ee Golaha Shacabka ayaa ahayd iyaduna mid xiiso badan isla markaana uu loolan adag u galay Faarax Cabdulqaadir oo lagu tilmaamo xubin muhiim ah ee kooxda Damuljadiid, isla markaana laf dhabar u ahaa khilaafyadii xukuumadihii horey loo soo riday ee Saacid iyo Cabdiweli.

Faarax Cabdulqaadir ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay olole xoogleh u galay inuu helo kursiga Guddoomiye kuxigeenka 1aad, ololahaasi oo gaaray heer laga dhex wado xafiiska Madaxweynaha ee Villa Soomaaliya.

Balse dadaalkaas dheer ee dhaq dhaqaaqa Damuljadiid ayaa noqday hal-bacaad lagu lisay kadib markii Faarax uu heli waayey tiro kabadan tii uu helay saaxiibkiis Cabdirshiid Xidig oo ahayd wax ka yar cododka 100 xildhibaan.

Cabdirishiid Xidig ayaa helay 96 cod halka Faaraxna helay 94 Cod, taasi oo muujineysa sida ay isugu ekaayeen tirada xildhibaanada u codeysay.

Hadaba natiijadan maku tusaale qaadan doonaa Madaxweyne Xassan Shiikh? Mise wuxuu rajeenayaa inuu helo codod ka badan 96 Cod ee Baarlamaanka?

Hayeeshee Xassan Shiikh ayaan u muuqan guuldaradii xisbigiisa ka raacday Doorashadii Guddoonka inuu ku quustay, wuxuuna u bedalay rajadiisii in sidii Jawaari isaga dib loo soo dooran doono.

Xasan Shiikh oo xalay saqdhexe kasoo dhex hadlay bersadiisa Villa Soomaaliya ayaa u hambaleeyey guddoonka cusub, isagoo ay ka muuqato hurdo yari ayaa sheegay in Natiijadii Doorashada Baarlamaanka ay muujineyso in xildhibaanada cusub ay tixgelinayaan Murashaxiinta Khibrada/Waajo araga ah ee horey xilka usoo qabtay isagoona sheegay in sida Guddoomiyaha loo doortay isagana rajeenayo in dib loo soo doorto, wuxuuna kusoo khatimay Halqabsigiisii ahaa “…Qabyo Ninkeeda Dhameystira?…”

Natiijada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka ayaa sidoo kale fursad fiican u ahayd Murashaxiinta isbedal doonka ah ee hada u cadaatay in xisbi Xaakimka Dadban ee Damuljadiid uusan taagero ku filan uusan ku lahayn Baarlamaanka cusub gaar ahaan Aqalka Hoose oo ah tirada ugu badan ee xubnaha soo dooran doona Madaxweynaha.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *