Gaas, Madoobe, Sharmarke iyo Jawaari ma taageersan yihiin Inqilaabka Damuljadiid ee Galmudug?

Published: January 13, 2017

Qoraal kasoo baxay xafiisa warfaafinta ee Villa Soomaliya ayaa lagu sheegay in Madaxda Madasha Qaran ay xiriir khadka telefoonka ah oo ay yeesheen ku go`aansadeen inay ka soo horjeestaan go`aankii xildhibaanada Galmudug xilka uga qaadeen Cabdikariim Guuleed Madaxweynihii KMG ahaa ee maamulka Galmudug.

Xilka qaadista Guuleed ayaan ahayn mid kadis ah waxaana jiray cabashooyin badan oo ka imaanayey bulshada Galmudug ee ku aadan waxqabad la`aanta Xukuumada Cabdikariim Guuleed oo saldhig ka dhigatay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Labo goor oo hore ayaa laga horjoogsaday Xildhibaanada Galmudug inay mooshin ka keenaan hogaamiye Cabdikariim Guuleed, waxaana dhacday in Kalfadhigii ugu danbeeyey ee Baarlamaanka Galmudug si degdeg ah lagu xiro iyadoo laga cabsi qabay mooshinka ay keeneen qaar kamid ah xildhibaanada ku sugan Cadaado.

Baarlamaanka Galmudug oo qorshuhu ahaa inuu yeesho laba kalfadhi ayaan yeelan Kalfadhigoodii ugu danbeeyey oo la sheegay in dib loo dhigay, arrintaasi oo ay xildhibaanada Galmudug ku tilmaameen mid sharci daro ah oo ka horimaaneysa Dastuurka Galmudug.

Ugu danbeyn kulankii xilka looga qaaday Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa codkooda ku taageeray Xildhibaano gaaraya 54 oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo ka kooban 89 kursi, codkaasi oo ah mid aqlabiyad ah.

Cabdikariim Guuleed oo xiliga awooda laga xayuubiyey ku sugnaa Muqdisho ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegayo inay sharci daro tahay in xilka laga qaado, wuxuuna xukun deg deg ah kusoo rogay muddo 90 maalmood ah magaalada Cadaado, arrintan oo loo arko inay tahay inqilaab militari oo uu xukunka ku adkeesanayo.

Guuleed oo Maalin kahor gaaray Cadaado ayaa sheegay in dalka ay Abaar ku jirto isla markaana xil ka qaadistiisa ku tilmaamay mid lagu burburinayo Jirintaanka Galmudug waa siduu hadalka u dhigayee. Waxaa sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa NISA iyo Galmudug la dul dhigay goobaha ay degen yihiin Xildhibaanada Galmudug ee ku sugan magaalada Cadaado.

Madasha Qaran

Hadaba waxaa su`aalo badan la iska weydiinayaa qoraalka kasoo baxay Villa Soomaaliya ee lagu saxiixay Madasha Qaran in ay sharciyan awood uleeyihiin inay faraha la galaan arrimaha Baarlamaanka Galmudug, xili Madasha Qaran wakhtigeedu ku ekaa markii la dhaariyey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya?

Qoraalka Villa Soomaaliya ayaa u eg mid lagu garab siinayo Cabdikariim Guuleed oo isagu awooda Galmudug ku hantay taageeradii uu ka helay Xisbi Xaakimka Damuljadiid oo si weyn u musuq maasuqay Doorashadii Galmudug ka dhacday.

Madasha Qaran ma faro gelin karto Baarlamaanada Dowlad Gobaleedyada sida uu qorayo Dastuurka Federaalka Soomaaliya oo qeexaya in maamul gobaleedyada u madax banaanyihiin arrimahooda u gaarka ah.

Saxaafada ayaa looga fadhiyaa inay su`aashan weydiiyaan Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari, Raysalwasaaraha xilka ka dhamaaday Cumar Cabdirashiid, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Hirshabelle Cabdullahi Cosoble inay ku taageersan yihiin qoraalkan kasoo baxay Villa Soomaaliya iyo in kale.

Hadii hogaamiyayaashan qiraan inay Qoraalkan wax ka saxiixeen, waxaa loo qaadan karaa inay fiirantan sidoo kale ku socoto Baarlamaanada Puntland, Juballand, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele.

Axmed Shire
Cadaado, Galmudug

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *