Syria: Diyaaradaha Israel oo duqeeyey Saldhig Militari – VIDEO

Published: January 13, 2017

Dowlada Siiriya ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee Israel ay xalay duqeyn la beegsadeen saldhigyo military oo ku yaal duleedka magaalada Caasimada ah ee Dimishiq.

Qaraxyada ka dhacayey saldhiyadaasi militariga xukuumada Siiriya ayaa laga maqlayey magaalada Dimishiq.

Israel ayaa dhankeeda beenisay in diyaaradaheeda ka danbeeyeen weerarka duqeynta ah ee lagu qaaday xarumahaasi ay leeyihiin militariga Siiriya.

Maaha markii ugu horeysay oo ay Israel ka faa`iideysato dagaalka ka socda Siiriya isla markaana diyaaradaheeda weeraro gaadmo ah ku qaado xarumo ay leeyihiin ciidamada xukuumada Bashaar Al Assad.

Diyaaradaha Israel ayaa sidoo kale weeraro dhanka cirka horey ulla beegsaday xarumaha kaydka hubka ee Siiriya iyo waliba Saraakiil ka tirsan Kooxda Shiicada ah ee Xisbullah ee gacanta siinayey ciidamada Bashaar.

Weerarkan dhanka cirka ah ayaa lagu soo beegay xili ay dhaqan gashay xabad joojin guud ee dagaalka Siiriya oo ay si wadajir ah uga soo shaqeeyeen dowldaha Turkiga iyo Ruushka.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *