USA: Lataliyaha Trump oo la ogaaday Xiriirkuu la lahaa Ruushka – VIDEO

Published: January 14, 2017

Xili ay weli taagan tahay xiisada siyaasadeed iyo shakiga laga qabo xiriirka ka dhaxeeya Madaxweynaha cusub Donald Trump iyo Ruushka ayaa la ogaaday in Lataliyaha Sare ee Trump uu xiriir toos ah la lahaa Madaxda Ruushka.

Michael Flyyn oo uu Trump u magacaabay Latliyihiisa dhanka Amniga ayaa la ogaaday inuu xiriir toos ah la lahaa diblumaasiyiinta Ruushka ee ku sugan wadanka Maraykanka.

Flynn ayaa la sheegay inuu xiriir toos ah la yeeshay Safiirka Ruushka u fadhiya Washington isla todobaadkii Madaxweynaha xilka ka degaya ee Barack Obama uu ku dhawaaqay cunaqabateyn la saarayo iyo Diblumaasiyiinta Ruushka laga saaray wadanka Maraykanka.

Arrintan ayaa kusoo beegantaya xili weli Donald Trump uu diidan yahay inuu cambaareeyo Ruushka farogelintii la sheegay inuu ku sameeyey Doorashada Maraykanka iyo waliba weerarkii dhanka internetka ee Ruushka lagu eedeeyey inuu ku qaaday xarumaha labada xisbi ee Maraykanka.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *