Cuduro kale duwan oo ka dilaacay degmada Qandala

Published: January 15, 2017

Degmada Qanala ee gobolka Bari ayaa waxaa ka dilaacay cuduro kale duwan oo saameyn ku yeeshay dadka.

Cudurada ka dilaacay Qandala ayaa waxa ka mid ah duumada iyo Kaduudshe

Gudoomiyaha degmada Qandala Jaamac Maxamad Khuurshe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in tiro badan oo ka mid ah ciidanka ammaanka iyo shacabka ay la Il daran yihiin cuduuradaas.

…Shacabka iyo askarta qaybtood waxaa loo qaaday magaalada Bosaso, halka kuwo kale weli ku sugan yihiin Qandala iyadoo aysan jirin adeeg caafimaad oo ay halkaasi ka heli karaan ayuu yiri Gudoomiyaha degmada

Degmada Qandala ayaa waxaa ka shaqayn xarumaha caafimaadka oo waxaa bili liqaystay maleeshiyadii dhawaan laga saaray ee Daacish.

Sidoo kale cuduradaasi ayaa waxa ay ka dilaaceen inta badan gobolada Puntland.

Horseed Media 2017.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *