Mali: Shirweynihii Dalalka Afrika iyo France – VIDEO

Published: January 15, 2017

Waxaa shalay dalka Mali lagu soo afmeeray Shirweynihii u dhaxeeya dalalka Afrika iyo wadanka Faransiiska.

Furitaanka shirkan ka dhacay magaalada Bamako ee dalka Mali ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Faransiiska Mr.Hollande, waxaana diirada lagu saaray iskaashiga ka dhaxeeya dalalka Afrika iyo wadanka France.

Shirkan ayey ka qeyb galeen in ka badan 10 hogaamiyayaasha Afrika oo ka socda dalalka uu Faransiiska horey usoo gumeystay, waxaana shirka sanadkan arrimaha ugu muhiimsan ee looga hadlayo kamid ah la dagaalanka argagaxisada iyo iskaashiga ganacsiga.

Madaxweynaha France Hollande ayaa isagu xoog saaray tan iyo intuu xilka qabtay inuu xooga saaro sare u qaadida xiriirkii ka dhaxeeyey France iyo Afrika. Wuxuuna si weyn u rajeenayaa in dalalka Afrika gacan kasiiyaan xal u helida muhaajiriinta tirada badan ee kusii qul qulaya Qaarada Afrika.

Hollande ayaa sidoo kale shirkan u arka mid kamid ah guulaha uu gaaray maadaama halka lagu qabanayo ee wadanka Mali ay dowlada France gurmad militari u fidisay kadib markii ay dagaalada ka bilowdeen oo ay la wareegeen in badan oo kamid ah dhulkaasi xoogaga Islaamiga ah.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *