Muqdisho: Kuraasta Xildhibaanada Federaalka oo la joojiyey in la kala Dhaxlo – VIDEO

Published: January 15, 2017

Guddoomiyaha la doortay ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Cismaan jawaari ayaa magaaladda muqdisho kula kulmay guddiga hir gelinta doorashooyinka dadban ee heer Federaal, isagoo guddiga kala hadlay dhameystirka doorashooyinka xubnaha labada aqal.

Kullanka oo ka dhacay xarunta guddiga doorashadda ee Peace HotelMagaaladda muqdisho waxaa sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiye ku xigeenka koobaad Mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey, Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo xoghaynta barlamaanka.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal Cumar Dhageey oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa warbixin ka siiyey Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya heerarkii kala duwanaa ay soo marsiiyeen hirgelinta doorasho dadban iyo maareynta kuraaska harsan waxaana uu dhinaca kale guddoonka ku wargeliyey in ay soo diyaariyeen habraaca loo marayo bedelka kuraasta hadii Xildhibaan geeriyoodo ama is casillo kaasi oo ah in dib loo qabto doorashada kursigaas.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo gebagebadii kulanka ka hadlay ayaa u mahad celiyey guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban heer federaal iyo heer dowlad goboleed, baarlamaannada dowlad goboleedyada, ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM waxaana uu dhanka kale u jeediyey codsi guddiga.

doorashooyinka, odayaasha dhaqanka iyo cid kasta oo saameyn ku leh dhameystirka doorashooyinka dadban taasi oo ah arin saameyn ku leh doorashada Madaxweynaha dalka.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Barlamaanka ayaa toddobaadkan waxaa kullan la yeeshay Wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya micheal Keating iyo masuuliyiin ka socotay wadamada saaxiibka la ah. waxaa kaloo uu isla toddobaakan bartiisa twitterka ku soo daabacay in waqtigii hoggaamiyayaasha madasha qaran uu dhamaaday, islamarkaana aysan sharic ahayn.


Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *