Qardho: Shirka Cadaalada iyo Haweenka Soomaliya – VIDEO

Published: January 15, 2017

Shir ay soo qaban qaabisay Hay`ada Cilmi barista ee Hayaan ayaa looga hadlay sidii sare loogu qaadi lahaa Wacyiga Cadaalada ee haweenka Soomaaliyeed.

Kulankan ka dhacay Hotel Guffure ee magaalada Qardho ayaa waxaa ka qeyb galay aqoonyahano iyo marti sharaf kale oo ay ku jiraan mas`uuliyiinta ka socda maamulka gobalka iyo degmada. Waxaa kulankan sidoo kale ka qeyb galay Marwada Madaxweynaha Puntland Drs. Hodan Siciid Ciise.

Arrimaha diirada lagu saarayey kulankan ayaa kamid ahaa sidii haweenka uga qeyb qaadan lahaayeen sare u qaadida Cadaalada dalka.

Drs.Hodan oo khudbad kasoo jeedisay ayaa sheegay in Waxbarashada ay tahay asaaska Cadaalada, qofka haduu wax qoro waxna akhriyo ay kaalin weyn ka qaadato helida cadaalada, iyadoo sidoo kale sheegtay in hooyada Soomaaliyeed looga baahan yahay inay Cadaalada ka bilowdo gurigeeda ama Qoyskeeda.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *