Bahrain: Boqortooyada oo dishay sadex nin oo Shiico ah

Published: January 16, 2017

Boqortooyada Baxreyn ayaa xukun dil ah Axadii shalay ku fulisay sadex nin oo lagu eedeeyey inay ka qeyb qaateen rabshadihii ka dhacay dalkaasi ee lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidamada amniga.

Sadexdan nin oo lagu kala magacaabo Abbas al-Samea ( 27 sano jir), Sami Mushaima ( 42 sano jir), iyo Ali al-Singace ( 21 sano jir), ayaa lagu eedeeyey inay kamid ahaayeen kooxdii ka danbeysay weerar bambaano oo sadex askari lagu dilay bishii Maarso ee sanadkii 2014.

Weerarkaasi ayaa waxaa askarta lagu dilay kamid ahaa sarkaal u dhashay dalka Imaaraadka Carabta.

Maxkamada Racfaanka ayaa todobaadkii tagay diiday inay dib u eegto dacwada raggan dilka lagu xukumay oo ka tirsanaa shiicada dalkaasi Baxreyn u badan ee kacdoonka kala soo horjeestay Boqortooyada Sunnida ah ee jasiiradaasi ka talisa.

Raggan la xukumay ayaa iyagu sheegay in aysan heli maxkamad cadaalad ah isla markaana ku dooday in la jirdilay si ay u qirtaan danbi aysan gelin. Hay`adaha u dooda xaquuqul Insaanka ayaa sidoo kale cambaareeyey dilkan lagu fuliyey sadexdan nin.

Shiicada Baxreyn ayaa dilka si weyn uga carooday iyagoo ku baaqay inay dhigi doonaan kacdoono horleh oo looga soo horjeedo Boqortooyada Baxreyn. Sidoo kale dowlada IRAN oo iyadu taageerta Shiicada Baxreyn ayaa ku tilmaamtay qisaasida raggan fal xun oo muujinaya bahalnimada Boqortooyada Baxreyn, waa siday hadalka u dhigeenee.

Jasiirada Baxreyn ayey tan iyo sanadkii 2011 ka socdeen kacdoon ay dhigayeen Shiicada oo iyagu u badan dhulkaasi, kuwaasi oo kasoo horjeeda Boqortooyada Sunnida ah ee dalkaasi ka talisa. Isla Sanadkii 2011 ayaa wadankaasi la geeyey ciidamo ka socda Boqortoooyada Sacuudiga iyo Imaaraatiga si ay gacan u siiyaan ciidamada amaanka ee Baxreyn.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *