Ciidamo ka tirsan Puntland iyo Shabaab oo ku dagaalamay deegaanka Af-urur

Published: January 16, 2017
Ciidamada PSF oo ku sugan Buuraha Calmadow

Wararka ka imaanaya deegaanka Af-urur oo ka tirsan gobolka Bari ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ku dhexmaray deegaankaasi ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii maleeshiyada Shabaab ay weerar ku soo qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalay deegaanka Af-urur.

Waxaa dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kale duwan, iyadoo la sheegayo in dagaalka uu ka dhashay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Ciidanka Puntland ee ku suganaa deegnak Af-urur ayaa iska caabiyey kooxdii weeraka ku soo qaaday sida uu Horseed Media u sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka Puntland.

Dagaalkan ayaa dhacay saqdii dhexe ee xalay.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *