France: Shirkii 70 wadan uga hadleen xaalada Falastiin – VIDEO

Published: January 16, 2017

Waxaa Axadii shalay magaalada Paris ee dalka France ka dhacay shirweyne ay isugu yimaadeen 70 wadan oo looga hadlay xaalada Falastiin.

Shirkan balaaran oo ay soo qaban qaabisay Xukuumada France ayaa lagu doonayey in xal loogu helo xiisada Bariga Dhexe gaar ahaan xaquuqda shacabka reer Falastiin.

Wadamada shirkan kasoo qeyb galay ayaa isku raacay in ay lama huraan ay tahay in Falastiin ay hesho dowlad madax banaan oo u gaar ah, taasina ay tahay xalka nabad waarta.

Shirkan ayey banaan joog ka ahaayeen Israel iyo maamulka Falastiin, balse labada dhinac ayaa maanta oo Isniin ah lagu casumay inay yimaadaan Paris si loogu gudbiyo baaqa kasoo baxay shirweynahaasi ay ka qeyb galeen 70ka wadan.

Hase yeeshee Israel ayaa gebi ahaanba qaadacday shirkan, diidayna inay dhageysato baaqa uga yimid dalalkaasi.

Dhinaca maamulka Falastiin ayaa soo dhaweeyey shirkan iyo dadaalka caalamiga ah ee uu hogaaminayo dalka France ee xalka loogu raadinayo dhulka la heysto ee Falastiin.

Dowlada France ayaa dadaalkan dar dar gelisay iyadoo laga cabsi qabo in marka uu xilka la wareego Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump uu sii kharibi doono xal u helida arrimaha Bariga Dhexe.

Trump ayaa si toos ah u sheegay inuu taageero indho la`aan ah siin doono Israel, xataa uu aqoonsan doono in magaalada barakeysan ee Qudus ay tahay caasimada Israel.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *