Gaadiidka ciidanka AMISOM oo dul maray gaari ay la socdeen dad shacab ah

Published: January 16, 2017

Ciidanka AMISOM ee ka howl gala gudaha Soomaaliya ayaa gaari ay wateen dul marsiiyey gaadiid ay saarnaayeen dad shacab ah, iyadoo shilkaasi uu ka dhashay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Dhacdadaasi ayaa waxaa ku dhimatay 10 qof tiro intaasi la egna waa ay ku dhaawacmeen.

Kolonyada ka tirsan ciidanka AMISOM ee dul maray gaariga ayaa la sheegayaa in ay ka soo baxeen magaalada Muqdisho, isla markaana ku sii jeeday degmada Afgooye.

Deegaanka Calamada oo ka tirsan Shabeelada hoose ayuu ka dhacay shilka.

Gaariga ay jiireen ciidanka AMISOM ayaa ku soo wajahnaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay ee gaadiidka AMISOM ay dul maraan gaadiid ay la socdaan dad shacab ah.

Inta badan dhacdadan ayaa waxaa ka hadlin madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *