Gambia: Yahya Jammeh oo weli diidan inuu xilka wareejiyo – VIDEO

Published: January 17, 2017

Dalalka Galbeedka Afrika ayaa illaa iyo maalinta beri ah ee Arbacada u qabtay Madaxweynaha dalka Gambia Yahya Jammeh inuu xilka ku wareejiyo ninkii uga guuleystay Doorashada Adama Barrow.

Jammeh ayaa sidoo kale ku guuldareystay codsi uu u gudbiyey Maxkamada Sare ee wadankaasi oo uu ka codsaday in la hakiyo dhaarinta Madaxweynaha cusub oo la qorsheeyey inay dhacdo maalinta berito ah.

Ninka ku guuleystay Doorashada Madaxweynaha Adama Barrow ayaa hada ku sugan dalka Senegal.

Urur gobaleedka Galbeedka Afrika ayaa sheegay inay tilaabo military ka qaadi doonaan Madaxweyne Yahya Jammeh hadii wakhtigii loogu talo galay uusan xilka wareejin, balse Jammeh ayaa weli ku adkeesanaya inuu xilka sii hayo wallow uu waayey taageerada Midowga Afrika iyo dalalka Jaarka la ah.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *