Jawaari oo shir uga qayb-galaya isaga oo ah ku-simaha Madaxweynaha -SAWIRO

Published: January 17, 2017

Waxaa maanta ka furmay xarunta Amisom eeMuqdisho shir ay isugu imaanayaan deeq-bixiyaasha iyo daneeyaasha arrimaha Soomaaliya iyo Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kaas oo looga hadlaayo arrimaha bini’aadanimada, iyo wax ka qabashada xaaladda abaarta, waxaana shirka guddoominaayey Prof. Jawaari.

Shirkan waxaa ka soo qaybgalay Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya iyo kuxigeenka kowaad Cabdiweli Muudey, ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo qaar kamid ah wakiilada caalamka u fadhiya Soomaaliya.

Hay’adaha gar-gaarka bini’aadanimada ayaa sheegay in xaaladda abaartu ay tahay mid aad u daran oo ay qarka u saaran yihiin malaayiin Soomaaliya, waxaana ay ka digeen in ay dhacdo xaalad la mid ah tii sanadkii 2011.

Dhanka kale ayaa shirkan looga hadley arrimaha caafiaadka iyo waxbarashada.

Maqnaanshaha Madaxweynaha

Todobaadkii hore ayaa Maxamed Cismaan Jawaari sheegay in Soomaaliya leedahay Baarlamaan iyo shir guddoonkiisi sidaas darteed waxa loogu yeeri jirey Hoggaanka Madasha Qaranku ay tahay mid aan sharci haysan.

In Jawaari shir guddoomiyo isaga oo ah ku-simaha Madaxweynaha ayaa xaqijineysa in Xasan Sheekh Maxamuud uu kamid noqdey musharixiinta isla markaana aanu wax awood ah u lahayn dalka.

Arrintan ayaa imaaneysa iyada oo sarkaal u hadley ciidanka qalabka sida maalintii Axadda uu sheegay in ay ka amar qaadanayaan Jawaari.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *