Muqdisho:NISA oo Qabatay Shabakad Ka Macaashta Daabicida Doolar Been-abuur ah.

Published: January 17, 2017

Ciidamadda nabadsugida Soomaaliyeed ee NISA ayaa magaalada muqdisho ku abtay warashad lagu farsameeyo lacagta doolarka faalsada ah iyo kooxdii ka macaashaysay

Ciidamada NISA oo xalay howlgal uu dhiig ku daatay waxay ka sameeyeendegmada Waaberi ee magaalada muqdisho waxa ay ku qabteen Koox ay ku sheegeen inay ahaayeen burcad ah oo Guri ku yaalla degmadaasi ku dhaqayay Lacag Doolar been abuur ah.

Hay`adda NISA waxay sheegtay inay xabsiga u taxaabeen ilaa lix qof oo ku eedaysan faldamiyeedkaasi, waxay kaloo la wareegeen Warshaddii iyo Qalabkii lagu dhaqayay Lacagahaasi Been Abuurka ah.

Taliska NISA wuxuu sheegay in howlgalka ay Ciidamadu Fuliyeen uu ku dhintay Askari katirsan Ciidamada midkalana uu kaga dhaawacmay kadib markii Kooxda Burcadda ah ay isku dayeen in ay iska Caabiyaan Ciidamada.

Gabagabadii, Magaalooyin kala duwan oo dalka ayaa lagu sameeyaa lacago faalso ah oo u badan shilinka soomaaliga iyo Dollarka, kuwasoo ay leeyihiin ganacsatado iyo kooxo burcad ah oo isku jira.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *