Turkey: Ninkii geystay Weerarkii Sanadka Cusub iyo gabar Somali ah oo lasoo qabtay – VIDEO

Published: January 17, 2017

Ciidamada Amaanka ee Turkiga ayaa xalay saqdii dhexe gacanta ku dhigay ninkii ay baadi goobayeen labadii todobaad ee lasoo dhaafay, ninkaasi oo ahaa kii fuliyey weerarkii lagu qaaday baar ku yaal magaalada Istanbul habeenkii sanadka cusub.

Weerarkaasi oo ay sheegatay kooxda xagjirka ah ee Daacish ayaa waxaa lagu dilay 39 qof oo u badan ajaanib ay ku jiraan Carab dalxiis u joogay wadanka Turkiga.

Booliiska ayaa sidoo kale xalay xabsiga dhigay 4 qof oo kale oo ay ku jiraan sadex haween ah oo la sheegayo in mid kamid ah ay tahay Soomaali, halka kuwa kalena ay kasoo jeedaan dalal Afrikaan ah sida Senegal.

Weli faah faahin lagama bixin xiriirka ka dhaxeeyey haweenkan iyo ninka weerarka ka geystay Istanbul oo la sheegay in markii lasoo qabanayey inuu sitay lacag aad u badan oo lagu sheegay in ka badan 100 kun oo dollar.

Waa markii ugu horeysay oo qof Soomaali ah loo qabto weerar argagaxiso oo ka dhacay gudaha Turkiga, waxaana la sugaya weli in maanta ay warbaahinta usoo bandhigaan xog dheeraad ah Saraakiisha baaritaanka wada.

Dadkan ayaa laga soo qabtay magaalada Istanbul, meel 40km u jirta halkii uu ka dhacay weerarka habeenkii sanadka cusub.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *