Waaa sidee xaaladda guud ee magaalada Bosaso?

Published: January 17, 2017

Xaaladda magaalada Bosaso ayaa ah mid degan, kadib markii shalay lagu dilay labo ka mid ah ciidanka ilaalada bangiga dhexe ee magaalada.

Waxaa dib u soo laabtay inta badan isu socodka dadka, ganacsiga iyo gaadiidka inkastoo ay xiran yihiin ganacsigii ka socday goobtii uu dilka ka dhacay .

Ciidanka ammaanka magaalada ayaa wada baaritaano xoogan oo ay ku baadi goobayaan kooxdii dilka geysatay, waxaana jira dad badan oo xabsiga la dhigay.

Wadooyinka waaweyn ee magalaada iyo suuqa Bosaso ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo badan oo hubeysan, kuwaasi oo baaraya dadka iyo gaadiidka.

Maamulka gobolka Bari ,kan degmada Bosaso iyo saraakiisha amniga ayaa weli ka hadlin dilka ka dhacay magaala ganacsiga Puntland ee Bosaso, waxa uuna dilkan ku soo beegmayaa xili magaalada lagu dilay seddex sarkaal oo muhiim ah.

Maleehsiyada Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilkii loo geystay labadii askeri.

Magalaada Bosaso waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ugu nabad gelyada badan Soomaaliya.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *