Muqdisho: Jawaari oo La Kulmay Safiirada Sacuudiga iyo Midowga Yurub ee Soomaaliya-Sawiro

Published: January 18, 2017

Guddoomiyaha barlamaankaFederaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa magaaladda ayaa xafiiskiisa muqdishoku qaabilay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo iyosafiirka Cusub ee Dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya Dr Maxamed Al Khayat.

Ugu horrayn wuxuu la kulmay safiirka Midowgam kaasi oo ay ka wada hadleen adkaynta xariirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga yurub, dhamaystirka xubnaha Barlamaanka iyo sidii kaalin muuqata ay kaga qadan lahaa Midowga Yurub gurmadka abaaraha ee lagu samata bixinayo dadka Soomaaliyeed.

Veronique Lorenzo danjira Midowga Yurub ayaa hambalyeeyay, islamarkaan boggaadiyay hanankii wanagsanaa ee ay u dhacday doorashada Guddoonka Barlamaanka, iyadoo xustay in kalsooni wayn ay ku qabto in si wanaagsan barlamanaku uu u maarayn doono doorashadda Madaxweynaha dalka , inta ka horaysana la soo dhamaystiro xubnaha ka harsan Baarlamaanka.

Guddoomiyaha barlamaanku wxuu tilmaamay in dalka Soomaaliya ay ka jirto abaaro saameeyey dad badan oo reer miyi ah marka laga yimaado ariimaha doorashooyinka Midowga Yurubna looga bahan yahay in gacan ku siyaan dowladda Soomaaliya siduu Gurmad lagu samata bixinayo dadkaasi loogu samayn lahaa .

Gees kale, Jawaari wuxuukulan is barasho iyo salaam ah la yeeshay safiirka Cusub ee Dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya Dr Maxamed Al Khayat, waxa ayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xariirka iyo iskaashiga walaalnimada ku dhisan ee ka dhaxeeya Barlamaanada labada dal iyo sidii ay gacan walaltinimo kaga gaysan lahaayeen dowladda Sacuudiga abaaraha ka jira dalka Soomaaliya

Gabagabadiii, Dr Maxamed Al Khayat oo ah safiirka cusub ee sucuudigu u soo magacday Soomaaliya ayaa maanta wuxuu waraaqihiisa aqoonsiga uu u gudbiyay Madaxweynaha Dowladda federaalka Xasan Shiikh Maxamuud.

Horseed media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *