Jubbaland oo Laga Taageerayo Dhismaha iyo Tayeynta Ciidanka-Sawiro/ VIDEO

Published: January 18, 2017

Xarunta madaxtooyada ee jubbaland ee Magaaladda Kismaayo waxaa maanta kullan ku yeeshay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Safiirka Dowlada Jarmalka ee Soomaaliya Jutta Frasch,waxayna ka wada hadleen Arimaha Qoxootiga iyo Barakacayaasha iyadoo Safaarada Jarmalku ay sheegtay in Jubbaland ay ay kala shaqaynayso arimaha gargaarka dadka tabaalaysan.

Madaxweynaha Jubbaland wuxuu ka codsaday beesha Caalamkainay wax muuqda ka qabatobaahiyaha ugu badan ee deeganka ka jira oo ah dadka kasoo laabanaya Dhadhaab iyo dadka gudaha ku barakacay.

Safiirka Jarmalka oo ka hadlay kullanka ayaa sheegtayin maamulka Jubbaland kala shaqaynayso Dhismaha iyo tayaynta Ciidamada qalabka sida iyo dhamaystirka Xarunta dhaqan celinta Maleeshiyadka kasoo goosanaya Al-Shabaab.

Waxaa kale oo Jarmalku ay Jubbaland ka caawinaysa dhismaha Xarunta Ururka Haweenka iyo waxyaabo kale oo adeega Bulshada ah.

“Jarmalku kaalin weyn ayay ku lahayeen Hormarka Soomaaliya wakhtigii Dowladii dhexe Aniguna waxaan wax ku bartay Iskuul farsamada gacanta ah oo Jarmalku ay maamulayeen” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Safiirka oo safarkan ay ku wehelisay iyo ku xigeenka Safiirka iyo Madaxa Arimaha Bini`aadanimada ee Safaarada u qaabilsan Soomaaliya, ayuu Madaxweynahu ku bogaadiyay hawlaha ay Soomaaliya ka wadaan isagoo sheegay in Jubbaland ay dhawaan qaadayso duulan lagu xoraynayo qaybaha Gobolka ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab Dowlada Jarmalkana ay doorkooda ka qaadan doonan.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *