Nigeria: Diyaaradaha Dowlada oo si khalda u duqeeyey Xero Baro-kacayaal

Published: January 18, 2017

Diyaaradaha dagaalka ee dowlada Nigeria ayaa si khaldan u duqeeyey xero ay ku sugnaayeen dad baro kacayaal ah Waqooyiga wadankaasi.

Duqeyntan ayey ku dhinteen ugu yaraan 52 qof, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 100 qof oo kale. Waxaa la filayaa inay tiradda dhimashada sii kororto sida ay sheegtay hay`ada Dhakhaatiirta Aan Xaduuda lahayn MSF.

Xukuumada Nigeria ayaa durbaba raali gelin ka bixisay iyadoo sheegtay in diyaaradahooda ay duqeynta la damacsanaayeen kooxda Booko Xaraam oo maleeshiyaad kamid ah isku aruursanayeen goob u dhaw xerada baro-kacayaasha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *