Russia: Putin oo beeninyey inay sir ka hayaan Trump – VIDEO

Published: January 18, 2017

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wararka ay warbaahinta caalamka todobaadkan shaaciyeen ee ahaa in sirdoonka Ruushka ay sir ka hayaan Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump.

Xogtan ayaa laga helay warbixin uu diyaariyey Sarkaal u shaqeyn jiray sirdoonka Ingiriiska oo sheegay inuu hayo xog sheegaysa in Trump xili sanado hore booqday magaalada Moscow uu Hotelka uu degenaa ku casumay haweenka jirkooda ka ganacsada, isla markaana qolkuu hotelkaasi ka degenaa sirdoonka Ruushka ay ku xirteen Camera u duubta waxa halkaasi ka dhacayey, sirtan oo la sheegay in Trump uu ogyahay inay ka heyso dowlada Ruushka.

Trump ayaa isagu si adag u beeniyey xogtan lagu shaaciyey saxaafada qaarkeed gaar ahaan shabakada Buzzfeed oo uu weerar adag ku qaaday.

Vladimir Putin oo shalay ka jawaabayey su`aalo ay saxaafada arrintan ka weydiisay ayaa sheegay inay tahay warar been ah, isagoo lagu tilmaamay wax lagu qoslo. Putin ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Barack Obama inuu wado olole uu doonayo inuu sumcada uga sii dilo Donald Trump intuusan xilka la wareegin.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *