Muqdisho: Hanti Dhowraha Guud oo sheegay inaan Hanti Qaran la dhicin!

Published: January 20, 2017

Hanti DhowrahaGuud eeQarankaSoomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka digay in hantida qaranka si aan sharci ahayn looga faa`iidaysto xiliga kala guurkaee dalku ku jiro doorashadda madaxtinimadda.

Hanti-dhowraha oo ka qaybgalayay Barnaamijka kulanka Todobaadka ee ka baxa TVga Qaranka ayaa sheegay in aysan jiri doonin Hanti Qaran oo looga faa`iideysto xiliga dalku uu ku jiro kala guurka, wuxuuna tilmaamay xafiiskiisa inuu ka war haayo Hantida Qaranka oo dhan.

“…Waxaan u xaqiijinaynaa Shacabka Soomaaliyeed inaysan jirin Hanti Qaranku uu leeyay oo la boobayo xiligaan dalku uu ku jiro kala guurka, waxaan lee nahay xafiis gaar ah oo arrimahaasi si dhow ula socda…” Sidaasi waxaa yiri Hanti dhowraha Guud ee Qaranka.

Dhinaca kale, hantidowruhu wuxuu sheegay in dhamaan madaxda dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee xilka haya ay masuuliyada ka saarantahay ilaalinta hantida Qaranka, wuxuuna ugu baaqay madaxda dowladda iyo ciidamada Qaranka oo dhan inay la shaqeeyaan Xafiiska Hanti Dhowrka.

Hadalka Hantii dhawrka ayaa kusoo aaday xili ay shacabka magaalada Muqdisho si weyn u hadal hayaan dhulkii Qaranka lahaa oo todobaadyadii lasoo dhaafay la beecinayey sida dhulkii banaanaa ee kasoo horjeeday Tarebuunka oo la sheegay in laga iibiyey ganacsato xiriir laleh Madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday.

Gabagabadii, Magaaladda Muqdisho waxaa hadda ka socoto qabanqaabdda doorashadda aqalka sare iyo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, waxaa bishan 11keedii la doortay guddoomiyaha barlamaanka federaalka oo hadda aha madaxa ugu sareeya ee Dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *