Puntland: Taliyaha Booliiska ee Goldogob oo xilkii laga wareejiyey – VIDEO

Published: January 20, 2017

Taliyaha Booliiska ee degmada Goldogob ee gobalka Mudug ayaa xilka si habsami leh ugu wareejiyey Taliyaha cusub oo degmadaasi loo magacaabay.

Col.Ismaaciil Warsame Xirsi oo ahaa Taliyihii hore ee degmada Goldogob ayaa maanta xilka ku wareejiyey Taliyaha Cusub oo loo magacaabay Col.Cabdixamiid Cilmi.

Taliyaha cusub ee Gobalka Mudug Col.Cismaan Afdalow ayaa todobaadkan xilka ka wareejiyey Taliyihii hore ee Goldogob oo horey wax badan uga soo qabtay amniga degmadaasi ku taal Galbeedka gobalka Mudug.

Wafdi ka yimid xarunta Mudug ee Gaalkacyo oo uu hogaaminayo Taliyaha Booliiska gobalka Col.Afdalow ayaa ka qeyb galay munaasabada xil wareejinta ee ka dhacday Taliska degmada Goldogob.

“…Waxaan raali ku ahay in Xilka la iga bedalay, Waxaan raali ka ahay Taliyaha la igu bedalay, waxaana u hambalyeenayaa askarta degmada ee sida wanaagsan iila shaqeeyey waxaana ka codsanayaa inay si fiican ulla shaqeeyaan Taliyaha cusub…” ayuu yiri Taliyaha xilka laga qaaday.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *