Shaqaalaha Wasaaradda Degaanka Puntland oo Tababar Loogu Soo Xiray Magaaladda Garoowe.

Published: January 20, 2017

 

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda DegaankaFaarax Cali Cabdi

Wasaarada Deegaanka, Daaqa, Dalxiiska iyo Duurjoogta Puntland oo kaashanaysa hay’ada Care international ayaa maanta magaalada Garowe tababar Sadex cisho socday u soo xirtay shaqaalaha wasaarada ee Sagaalka gobol, gaar ahaan isu duwayaasha iyo maamulada degmooyinka.

Tababarka ayaa lagu baranayay intii uu socday Xallinta Khilaafaadka iyo Taabogalinta nabadda, waxaana diiradda lagu saaray Khayraadka dabiiciga ah sida Daaqa iyo Biyaha, kaasoo qorshuhu ahaa ka soo qaybgalayaashu inay ka faa`idaystaan.

Saleebaann Tukaale Nuur oo ah sarkaal ka tirsan hay’ada Care international tababarkana bixinayay intii uu soo socday ayaa sheegay in aqoon is waydaarsigaan uu muhiin u ahaa shaqaalaha la siiyay, waxaana uu uga mahadceliyay xubnahah qaatay oo gobolo kala duwan ka socday.

Saleebaan waxa sidoo kale uu la dardaarmay ka soo qaybgalayaasha isagoo ku booriyay inay aqoonta ay faa’ideen u gudbiyaan guddiyada Tuulooyinka ee wasaarada deegaanka.

Qaar kamida Shaqaalaha qaatay tababr oo munaasbada xiriteenkeeda ka hadlay ayaa Care intarnatinol iyo wasaarada deegaanka ugu mahadceliyay Tababarka la siiyay waxayna ballanqaadeen inay ugu shaqayndoonaan sida loo baray.

Wasiir ku xigeenka wasaarada deegaanka Puntland Faarax Cali Cabdi oo kulankan soo xiray waxa uu sheegay in aqoon is waydaarsigaan ku saabsanaa Xallinta Khilaafaadka iyo Xoojinta Nabadda uu ahaa mid shaqaaluhu ay u baahnaayeen, uuna rajaynayo in wax wayn ku soo kordhin doono shaqada ay bulshada u hayeen, sidoo kale waxa uu mahadnaq u jeediyay Hay’ada Care oo uu tilmaamay inay barnaamijyo badan gacan ka siiyo wasaarada deegaanka.

Puntland xilliyada Roobku da’o waxaa meelaha qaar ka dhasha Khilaafaadyo la xiriira Daaqa iyo Biyaha waxaana hay’da Care International qabashada tababarkan ay uga golleedahay sidii ay shaqaalaha wasaaradu awood ugu yeelan lahaayeen Xallinta Khilaafaadka arimahaasi ku yimaada, kuwaasoo mararka qaar dad ay ku dhintaan.

Horseed media 2017

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *