Dab xoogan oo ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha

Published: January 21, 2017

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya wararka ka aimanaaya ayaa sheegaya in uu dab xooggan ka kacay qeyb ka mid ah suuqa Bakaaraha.

Dabka ayaa sida la sheegay ka bilowday mid ka mid ah mehradaha lagu iibiyo cuntada ee ku yaalay inta u dhaxeysa suuqa sarifka iyo qeybta Timirta lagu iibiyo, isla markaana ku fiday bakhaaro kale oo ka ag dhawaa.

Waxaa soo gaaray suuqa gaadiidka nooca gurmadka ee dab demiska ah , kuwaasi oo ku howlan sidii ay u damin lahaayeen dabka.

Dabka ayaa geystay khasaare maaliyeed, iyadoo ganacatada qaarkood ay hanti tooda kala baxeen suuqa, waxa uuna ku soo beegmayaa dabkan xilli ay dabeylo xoogan ka jiraan magaalada Muqdisho .

Wax cusub ma ahan dabka ka kacay suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha.

Horseed Media 2017.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *