Musharixiinta Shir-guddoonka Aqalka Sare oo barnaamijkooda soo bandhigaya

Published: January 21, 2017

Mudanayaasha Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah dhegaysanaya khudbado ay soo jeedinayaan musharixiinta Afhayeenka Aqalka sare iyo ku xigeenadiisa.

Isku dar 16 Musharax ayaa u taagan shir guddoonka Mudanayaasha Aqalka sare.

Doorashada Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa lagu wadaa in ay dhacdo maalinta beri ah ee Axadda, waxaana ku tartamaya laba mudane oo keliya.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo horey uga tirsanaan jirey Baaramaanka Soomaaliya kana soo jeeda SDomaliland iyo Mstafe Maxamed Qodax oo dhawaan ka soo goostey maamulka Somaliland isaga oo ahaa Agaasime ku xigeenka Telefishanka Somaliland ayaana xilkan ku tartamaya maalinta berri ah.

Musharixiinta ugu badan ayaa ku tartamaya ku-xigeenada oo ay u taagan yihiin isku dar 14 musharax.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *