Qardho: Xildhibaanada Golaha deegaanka oo kala fadhigooda caadiga ahaa u furmay. (Sawiro)

Published: January 21, 2017

Kalfadhigan u furmay xildhibaanada golaha deeganka degmada Qardho islamarkana ay kasoo qaybgaleen Maamulka gobolka karkaar laamaha amaanka ,masuuliyiinta wasaaradaha ee gobolka iyo marti sharaf kale.

Duqa degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan oo ugu horayn ka hadlay goobta ayaa ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay mudadii u dhaxaysay kala fadhigan iyo kii ka horeeyay oo u dhaxaysa mudo 6 bilood ah wuxuuna duqa xusay inay ku guulaysteen inay wax ka qabtaan kicinta dakhliga Magaalada, ka qayb qaadashada gurmadkii abaaraha, iyo waliba taakulaynta dadka soo hayaamay taasoo u sheegay inay marar badan soonaha degmada ay gawaari kaga ciladoobeen reer guuraa halka kuwa kalena ay dhacaan taasoo degmada ay u istaagtay sidii loo dabooli lahaa baahida dadkaasi wuxuuna sheegay gudoomiyaha iyagoo cidna aysan ka caawin inay dadkaasi Alle dartiisa ugu gurmadeen duqa ayaa ugu dambayn xusay in degmada abaarihii wadanka ku dhuftay ay saamayn ba`an ay ku yeesheen sidoo kale sare u kaca sarifka doolarka ayuu sheegay inuu dhibaato ku hayo bulshada.

Isuduwayaasha wasaaradaha arimaha gudaha, Haweenka iyo taliyaha qaybta gobolka ayaa sheegay inay waxbadan qabteen xildhibaanada mudadii 6 da bilood ee lasoo dhaafay iyagoona dhanka kale dardaaran u jeediyay kaso ku aadan inay derdergaliyaan howlaha loo egmaday ee bulshada ka sugayso.

Ugu dambay gudoomiye kuxigeenka gobolka Warsame aya si rasmi ah u faray kala fadhiga wuxuna mudanaaysha kula derdaarmay inta uu socdo kala fadhiga inay soo saaraan go`aamo ka taliya horumarka iyo amaanka magaalada.

Kalfadhigan oo ah kalfadhiyada caadiga ah islamarkana la qabto sanadkiiba 2jeer ayaa inta badan looga hadla sidii xildhibaanada ay dib u eegis iyo la xisaabtan iyo qorshayn ugu samayn lahayen dhamaan howlaha ka socda degmada wuxuuna noqonayaa kala fadhigan kii 19 aad ee ay yeeshan xildhibaanada golaha deganka degmada Qardho tan iyo marii Magaalada Qardho ay yeelatay gole deegaan.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *