Mowliid Xuseen Guhaad oo loo doortay gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee aqalka sare

Published: January 22, 2017

Waxaa la soo geba-gabeeyey doorashadii ka socotay magaalada Muqdisho ee lagu dooranyey guddoonka aqalka sare iyo ku xigeenadiisa

Horey doorashadaasi waxaa ku soo baxay Xaashi oo noqday guddoomiyaha aqalka sare, halka Abshir Bukhaari uu isna noqday gudoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare ayaa waxaa loo doortay Mowliid Xuseen Guhaad, kadib markii uu ka guuleystay Musharaxii la tartamayay.

Mowliid Xuseen Guhaad ayaa waxa uu helay codad gaaraya 28 cod halka Cbadi kaafi Macallin Xasan oo la tartamayay uu helay codadka 24.

Natiijada doorashada ayaa waxaa ku dhawaaqay guddiga qaban qaabada Doorashada aqalka sare

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *