Puntland oo hoos u dhigtay qiimaha sarfika lacagaha qalaad -Dhegayso

Published: January 22, 2017

Puntland ayaa go`aan ka gaartay sarifka lacagta doolar ah, kadib kulan ballaaran oo ka dhacay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay maamulka gobolka Bari, wasiirka maaliyadda Puntland iyo ganacsatada magaalada.

Waxaa kulanka lagu go`aamiyay in sarifka lacagta doolarka ah laga dhigo gacan hore boqolkii doolar laba malyan iyo afar boqol oo kun ($2,400,000 ), halka gacanta dambena laga dhigay in lagu qabto laba malyan iyo shan boqol oo kun ($2,500,000).

Yuusuf Maxamad Waceys Dhedo guddoomiyaha gobolka Bari oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in sariflihii aan fulin amarka in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Ganacsade Aadan Doolar oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in ay u hogaansami doonaan amarka soo baxay, isla markaana fulinayaan.

Wasiirka maaliyadda Puntland Cabdullaahi Sheekh Axmad ayaa sheegay in dhammaan gobolada Puntland uu ka hir galayo amarkan ku saabsan sarifka lacagaha doolar .

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *