Xildhibaan Abshir Bukhaari oo loo doortay gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee aqalka sare

Published: January 22, 2017

Abshir Maxamad Bukhaari oo ka tirsan xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku guuleystay gudoomiye ku xigeenka koowaad aqalka sare.

Xildhibaan Abshir Bukhaari ayaa la tartamay xildhibaan Dhag-Dheer , iyadoo ugu dambeyn uu tartanka ku soo bashay xildhibaan Abshir Bukhaari.

Abshir Maxamad Axmad ayaa helay 30- halka musharaxa kale ee la tartamayay oo ah Cabdi Axmad Dhuxulow uu asna helay codad gaaraya 22-cod.

Guddiga doorashada aqalka sare ayaa ku dhawaaqay natiijada.

Abshir Bukhaari ayaa noqonaya guddoomiye ku xigeenkii u horeeyey ee aqalka sare ee Soomaaliya abid yeesho.

Gudoomiye ku xigeenka labaad waxa u tartamaya musharaxiin gaaraya ilaa todobo musharax.

Hodan Maxamuud Cismaan, Csmaan Axmad Maxcow, Iftiin Xasan Baasto, Fartuun Cabdulqaadir Faarax ,Sacdiyo Xasan Cismaan, Mowliid Xuseen Guuleed iyo Cabdikaafi Macallin Xasan

Horseed Media 2017.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *