Beesha Caalamaka oo Baarlamaanada Soomaaliya ka dalbadey de-dejinta doorashada Madaxweynaha

Published: January 23, 2017

War saxaafadeed ay wada jir u soo saareen, UN, AU, EU, IGAD, Talyaaniga, Sweden, UK, Maraykanka iyo Itoobiya ayaa hambalyo loogu direy dhamaystirka doorashada shir-guddoonka ee Afhayeenka iyo ku xigeenadiisa.

Bilowgii bishan Janaayo ayaa Aqalka hoose doortey Afhayeenka iyo labadiisa ku xigeen iyada oo maalintii shalay Aqalka sare uu dortey si lamid ah sidaas afhayeen iyo labo ku-xigeen.

Beesha Caalamka ayaa ku tilmaamey dhamaystirka hoggaanka Baarlamaanku in ay soo geba-gebeysey qayb muhim ah ee geeddi socodka doorashada Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaa ku baaqdey in labada Baarlamaan ay si deg-deg ah u sameeyaan guddi wada jir ah oo ka shaqeeya doorashada Madaxweynaha.

Dalalka iyo urarada taageera Soomaaliya ee loogu yeero beesha caalamka ayaa ugu baaqey Baarlamaanka in ay dib u eegaan sharciyada Baafrlamaankii hore awoodi waayey in ay ka gudbaan si lo taabo geliyo maamul wanaaga.

Labada Aqal oo wada jir ah ayaa yeelan donaa kulankoodi ugu horeeyey oo ay ku dhisayaan Guddi wada jir ah oo qabta doorashada Madaxweynaha. Doorashada Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in ay dhacdo bartamaha bisha febaraayo 2017.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *