Ururka Al-Shabaab oo markale weerar ku qaaday degmada Afgooye

Published: January 23, 2017

Ururka Al-Shabaab ayaa weerar xoogan ku qaaday magaalada Afgooye ee Shabeelada hoose, iyadoo sida la sheegayo weerarkan uu ka dhashay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Weerarkan ee Al-Shabaab ku qaaday Afgooye ayaa noqoya kii labaad ee ka dhaca gudaha Afgooye bishan gudaheeda

Maleeshiyada Shabaab ayaa weerarka ka soo qaaday dhinaca galbeedka ee magaalada Afgooye .

Ciidanka dowladda ee ku sugan degmada Afgooye ayaa iska caabiyey maleeshiyada Shabaab ee weerarka ku soo qaaday degmada sida uu warbaahinta u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka.

Mar labaad ayey Shabaab soo qaadeen weerar rogaal celis ah, balse uma suurta gelin in magaalada ay la wareegaan oo waxa ay iska caabin kala kulmeen markale ciidanka dowladda Soomaaliya ayuu markale warbaahinta u sheegay goob jooge ku sugan degmada Afgooye.

Ilaa iyo hada ma jirto mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka hadlay weerarkaasi.

Horseed Media 2017.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *