Ciidamo la wareegay deegaanka Badhaadhe ee Jubadda hoose

Published: January 24, 2017

Wararka ka imaanaya deegaanka Badhaadhe ee Jubadda hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay weerar ku qaadeen degmadaasi oo saldhig u ahayd maleeshiyada Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in degmada ay la wareegeen ciidamo ajanabi ah oo magaalada ka soo galay dhanka wadada Kulbiyoow, waxaana barqadii magaalada soo gaaray ciidamada maamulka Jubband-Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyay ilaa iyo hadda waxaa ku geeriyooday weerarka mid ka mid ah maleeshiyada Shabaab iyo qof rayid ah ayaa.

Qofka rayidka ah ee geeriyooday ayaa la sheegay in ay ahayd haweeney.

Degmada Badhaadhe in muddo ah waxaa gacanta ku hayey ururka Shabaab

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *