Gambia: Madaxweynihii hore oo la sheegay inuu Lacagtii Kaydka Qaranka la baxsaday – VIDEO

Published: January 24, 2017

Madaxweynihii hore ee dalka Gambia Yahye Jammeh ayaa lagu eedeeyey inuu horey usii qaatay lacagtii tiilay Bangiga Dhexe ee dalkaasi.

Jammeh ayaa todobaadkan isaga baxay wadankaasi kadib markii uu cadaadis xoogleh kala kulmay dalalka Galbeedka Afrika oo ugu hanjabay inay tilaabo militari ka qaadi doonaan.

Lacag gaareysa 500 milyan oo dollar ayaa la sheegay in lagala baxay Bangiga Dhexe ee Gambia muddooyinkii u danbeeyey, waxaana la sheegay in Madaxweynihii hore Yahye Jammeh uu markuu ka dhoofayey Gambia horey usii qaatay kaligiis 11 milyan oo dollar.

Madaxweynaha cusub Adama Barrow ee ku guuleystay Doorashada ayaa lagu dhaariyey wadanka Senegal, waxaana lagu wadaa inuu dhawaan yimaado wadanka Gambia.

Ciidamada Galbeedka Afrika ayaa hada la wareegay sugida amniga Madaxtooyada Gambia iyo xarumaha Dowlada.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *