Hiiraan: Ciidamada AMISOM oo hubka ka mamnuucay magaalada Beledweyne – VIDEO

Published: January 24, 2017

Ciidamada Jabuuti ee AMISOM ee ka hawlgala gobalka Hiiraan ayaa amar cusub oo ay soo saareen ku mamnuucay in shacabka ay wax hub ah lasoo galaan magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Go`aankan kasoo baxay ciidamada AMISOM ayaa lagu sheegay in lagu adkeenayo amniga magaalada Beledweyne.

Xarunta gobalka Hiiraan ayey marar badan ka dhaceen dagaalo u dhaxeeya beelaha wada dega gobalkaasi iyo maleeshiyaad hubeysan.

Waxaa sidoo kale magaalada marar badan weeraro ka geystay kooxda Al Shabaab oo weeraradooda la beegsaday xarumaha dowlada, saldhigyada AMISOM iyo waliba goobaha ay dadka ku badan yihiin.

Lama oga sida uu u hirgeli doono go’aankan AMISOM, maadaama ay magaalada Beledweyne ku sugan yihiin shacab badan oo hubeysan oo ay ku jiraan ganacsato, waxaana taasi usii dheer dadka reer guuraaga ah ee magaalada yimaada oo dhamaantood wada hubeysan.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *