Kazakhstan: Wadahadalka Mucaaridka iyo Dowlada Siiriya – VIDEO

Published: January 24, 2017

Magaalada Astana ee dalka Kazakhstan ayaa waxaa ka furmay wadahadalka Mucaaridka iyo dowlada Siiriya oo muddo sanad ah dhex dhexaadintoodu hakad ku timid.

Shirkii ugu horeeyey ee shalay ayaa natiijo la`aan ku dhamaaday kadib markii wafdiga ka socda dhinaca Mucaaridka ay diideen inay si toos ah ulla hadlaan wafdiga ka socda Dowlda Siiriya.

Mucaaridka ayaa wadahadalka ku xiray in marka hore dowlada Siiriya ay joojiso duulaanka militari, waxay sidoo kale codsadeen in dalkooda marka hore laga saaro Maleeshiyaadka Shiicada ah ee ka yimid dalalka Lubnaan iyo IRAN.

Dhinaca dowlada Siiriya ayaa iyaduna ku eedeysay in wafdiga Mucaaridka ka socda ay ku jiraan xubno ka tirsan kooxaha argagaxisada ah, waa sidey hadalka u dhigeenee.

Shirkan ayaa waxaa kasoo shaqeeyey dowlada Ruushka oo iyadu korjoog ama dhex dhexaadiye u ah labada dhinac, waxaana lagu sheegay shirkan inuu horudhac u yahay shirka la filayo inuu dhawaan ka furmo magaalada Geneva ee dalka Switzerland.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *