USA: Trump oo burburiyey Heshiiskii Ganacsiga ee TPP – VIDEO

Published: January 24, 2017

Madaxeynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si rasmi ah u saxiixay Wareegto Madaxweyne oo lagu joojinayo heshiiskii Ganacsiga ee Trans Pacific Partnership (TPP) oo ay dowladii Obama kasoo shaqeenaysay sanadihii lasoo dhaafay.

Heshiiskan Ganacsiga ee TPP ayaa u dhaxeeyey 12 wadan oo ah dalalka saaran badweynta Pacific, wuxuuna qorayey in 12kaas wadan ay isu furaan suuqooda oo lagu qiimeeyey inuu yahay 40% ganacisga dunnida, dalalkaasi oo isugeyn shacabkooda gaarayaan in ka badan 800 milyan oo qof.

TPP ayaa waxaa si weyn uga soo horjeeday qaar kamid ah shaqaalaha dalka Maraykanka oo ka cabsi qabay in ganacsiga furan uu sii dhiiri gelinayo in shirkado badan ay isaga guuraan Maraykanka iyagoo xarumo ka dhiganaya dalalka ka jaban shaqaalaha.

Donald Trump ayaa horey u balan qaaday xiligii uu ololaha ku jiray inuu burburin doono heshiiskan TPP oo uu hada ka dhabeeyey. Trump ayaa sheegay in Maraykanka hada wixii ka danbeeya uu heshiisyada ganacsiga ee noocaan ah si toos ah ulla geli doono dal walba si gaar ah.

Go`aankan ayaa fursad qaali ah u ah dowlada China oo iyaduna waday heshiis kale oo ganacsiga oo kasoo horjeeda TPP, kaasi oo ay iyaguna ku mideysan yihiin 16 wadan oo doonaya inay suuqyadooda ganacsiga isu furaan.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *