Shirkadda Somtel oo daaf-furtay adeega qiima dhimista ee madhaafaan iyo Saami celinta bulshada-Sawiro

Published: January 25, 2017
Shirkadda Isgaarsiinta Somtel Puntland-Soomaaliya ayaa waxaa ay daah-furtay barnaamij balaaran oo ay Macaamiisheeda ugu talagashay, barnaamijyadan oo ay shirkaddu ugu talagashay Macaamiisheeda waxaa ay kala yihiin Sidan Hoose.
Adeega Madhaafaan.
Adeegaan waxaa uu bulshada fursad u siinayaa in ay dhaqaalaha uga baxa hadalka iyo Internetka ay hoos u dhigaan, iyada oo la tix galinayo duruufaha ku gadaaman dhamman ummadda reer Puntland, Sidaas darteed waxaa ay shirkaddu kuu sameysay qiime dhimis kuugu samaysay.
1. Hadalka: Halkii Doolar ($1) hadii aad ku shubatid waxaa ku hadlaysaa, 120 daqiiqo Maalinkii oo dhan, Habaynkii waxaad ku hadlaysaa 160daqiiqo.
2.Waxaa la kordhiyey khidmadda boqoleyda ee ay helayaan ganacsadayaasha sii iibiya, oo $100 kabadan kii iibiyaa uu helayo 16% oo faa iido ah.
3. Macaamiisha isticmaalaya adeega VIOP (Igu soo wac Bilaash) oo helaya Ha lbil oo bilaash ah dalka gudihiisa.
4. Xirmooyinka adeega 4G oo 1.5GB laga dhigay $35 oo kaliya.
SAAMI CELINTA BULSHADA:
Barnaamijkaan oo ay shirkadda horay u waday waxaa ay haatan soo bandhigtay, hadiyado ay shirkaddu ugu talagashay macaamiisheeda oo kala ah.
1. Maalinkasta 2macmiil ayaa ku guulaysan doonta kiiba Hal milyan oo shilin (1,000,000 Sh.So).
2. Asbuuc kasta waxaa guulaysan doona Hal macmiil oo heli doona Moobil Casri ah (smart Phone).
3. Bilkasta waxaa guulaysan doona Hal macmiil oo ku guulaysan doona Luptop casri ah.
Macaamiisha Shirkadda Somtel Puntland ayaa fursadahan ka faa iidaysan doona, iyada oo macmiilku uu ku guulaysan karo 3-da fursadood isku mar hadii uu nasiibku siiyo.
Fursadahan ay shirkadda Somtel bixinayso, waxaa ka faa’iidaysan doona dhammaan ummadda reer Puntland meelkasta oo ay joogaan, gaar ahaan kuwa wata taleefoonka furihiisu yahay 0661.
Shirkadda Somtela waxay ku leedahay “KU HADAL WEl WEl LA’AAN”
Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *