Guddoomiyihii Sarifleyda lacaga qalaad ee Hargeysa oo ku geeriyoodey Xabsiga

Published: January 26, 2017

Guddoomiyihii sarifleyda lacagaha qalaad ee magaalada Hargeysa, Somaliland ayaa la sheegayaa in uu geeriyoodey kadib markii maalintii shalay Boolisku xabsiga dhigeen.

Cabdullaahi Cali Barre oo Boolisku ku eedeeyeen in uu u hoggaansami waayey nidaamka sarifka loo gooyey ayaa xabsiga la dhigey, Warar ayaa sheegaya in uu xabsiga ku geeriyoodey halka warar kale sheegayaan in Isbitaalka loola cararay oo uu halkaas ku geeriyoodey.

Qoyska marxuumka ayaa sheegay in Cabdullaahi Cali Barre ku geeriyoodey Xabsiga kadib isaga oo meyd ah loola cararay Isbitaalka halkaasna lagu xaqiijiyey dhimashadiisa. Waxaa la sheegay in xiliga uu dhimanaayey uu quraacanaayey isaga oo cunaayey Beer Ardhi. Qoyska ayaa dalbadey in baaritaan caafimaad la mariyo marxuumka.

Waxaa ilaa hadda xiran shan kamid ah sarifleyda lacagaha qalaad.

Xukuumadda Somaliland ayaa safirka dollarka u goysey 1=7000Sh/Sland halka uu gaarey 8000Sh/Sland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *