Shabaab oo Fagaare Ku toogatay Dhalinyaro Basaasnimo ay Ku Eedeeyeen.

Published: January 26, 2017

Kooxda Al-shabaab ayaa dil toogasho ah ku fuliyay saddex dhalinyaro ah oo ay ku eedeeyeen inay u basaasayeen hay`ada Sirdoonka Marykanka ee CIA iyo hay`ado kale oo ajnebi ah.

Sida lagu daabacay website taageersan Al-shabaab, dhalinyarada la tuhmay ayaa lagu hor toogtay boqolaal qof oo isugu baxay goob fagaare ah oo ku taala tuulada Yaaq-bariweyne oo koonfurta Soomaaliya

Maxkamada Al-shabaab leeyihiin ayaa sheegtay inay ku heshay C/llaahi Daamey Maxamed Nuur oo 36 sano jir ah inuu u jaajuusayay CIA, halka Maxamed Shariif Cali 21 sano jir uu qirtay inuu la shaqeyn jiray Maamulka jubbaland.

Kooxda Al-shabaab waxay kaloo sheegeen in Max`med Iimaan Xasan oo 42 sano jir ah, uu sidoo kale qirtay inuu la shaqeynaayay sirdoonka Dalkaasi kiiniya

Dhalinyaradan oo dil lagu fuliyay ayaa Kooxda al-shabaab waxay sheegeen in diyaaradaha Dorones Maraykanka u fududayn jireen bartilmaameedyada madaxda Al-shabaab, islamarkaana ay mushahar ahaan u qaadan jireen 150 dollar ilaa 200 dollar.

Kooxda Al-shabaab oo ku xoog badan Bartamaha iyo koofurta Soomaaliya ayaa dilal noocan kale ah ku fulisay dhalinyaro badan oo kooxda ka tirsanaa oo lagu tuhmay inay u jaajuusayeen cadowgooda.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *