Somaliland oo sharciyo adag dul dhigtey Shirkadaha ganacsiga -VIDEO

Published: January 26, 2017

Somaliland ayaa muddooyinki danbe la dalaadhacaysey sicir baraar xooggan oo dhanka maciishadda daruuriga ah, taas oo sababtey in shacabku kacaan oo ka caroodaan.

Maamulka Somaliland oo ka jawaabaya dalabka shacabka ayaa sharciyo culus dul dhigey qaar kamid ah shirkadaha waa weyn iyo barnaamijyada ay isticmaalaan.

Shirkadaha Somtel iyo Telsom ee isticmaala adeegyada ZAAD iyo eDAHAB ayaa lagu khasbey in ay ka saaraan barnaamijkooda wixii ka yar 100$, waxba laguma kala gadan karo wax ka yar 100$, marka laga hadlaayo lacagta Dollarka waxaana beddelkeeda ay ku wareejinayaan lacagta Somaliland.

Dhanka kale waxaa ruqsada oggolaanshaha ee sarifka lagala noqdey shirkdaha waaweyn ee Dahabshiil, Oomaar iyo Telsom.

Dhamaan bangiyada sida gaarka ah loo lee yahay ayaa lagu khasbey in ay barnaamijyada ay ku shaqeeyaan geliyaan lacagta Somali-land taasna ay tahay midda keliya ee la isticmaalayo.

Qiimaha sarifka ayaa gacanta u danbeysa loo gooyey 1$=7000ShSland.

Qaar kamid ah Shirkadaha ayaa ka mudaahardaayey amarada cusub ee la dul dhigey, waxaana ay sheegeen in barnaamijka Zaad aanu sababain sicir-bararka, maalintii shalay ayaa xabsiga la dhigey mid kamid ah masuuliyiinta shirkadda Telsom ee warbaahinta la hadley.

https://www.youtube.com/watch?v=LWEaaZiKbFo

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *