Kenya iyo Al-shabaab oo Siyaabo Kala Duwan uga Hadlay Weerarkii Kulbiyow

Published: January 27, 2017

Dowladda Kiiniya iyo Ururka Al-shabaab ayaa siyaabo kala duwan uga hadlayWeerarkii kooxda Al-shabaab ay xili hore oo saaka ah ay ku qaadeen saldhig ciidamada Kiiniya ay ku lahayeen Degaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbadda Hoose, kaasi oo ay alshabaab ay la wareegeen, ayna ku dileen 50 askari.

Afhayeen u hadlay ciidamada kiiniya Paul Njuguna ayaa beeniyay in lagala waregay xeradii ay ku lahaayeen degaanka, wuxuuna sheegay inay iska caabiyaan kooxdii weerarka soo qaaday, laakiin ay jiraan khasaare soo gaaray ciidamadooda

Afhayeenka oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuter wuxuu xaqiijiyay inay jiraan ciidamo lagaga dilay weerarka, ayna wadaan baarintaano la xiriira xadiga uu leegyahay khasaaraha ka dashay weerarkii kooxda Al-shabaab.

” Borobogaandada waa lagu yaqaan Al-shabaab, waxkasta oo ay ka sheegaan weerarkaas sax ma ah, gaar ahaa tirada askarta ay sheegteen inay ku dileen weerarkaasi” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Kiiniya

dhinaca kale, afhayeen u hadlay kooxda Al-shabaab Shiikh Cabdicasiis Abu Muscab ayaa u sheegay Reuters inay kooxdiisu weerar kadis ah ku qaadeen saldhiga milleteri ee ay ciidamada Kiiniya ku lahaayeen Kulbiyow xili hore oo saaka ah, ayna dileen 57 askari

” labo gaari oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaanu ku weerarnay xerada ka hor intii aana dagaal kula wareegin xerada, hadda waxaanu ku dabajirnaa askartii u cararay dhulka jiqda ah” ayuu yiri Afhayeenka alshabaab.

Wuxuu kaloo sheegay in weerarkaasi ay ku qabsadeen baabuur iyo hub, waxaa kaloo xusay in dagaalyahano ay kaga dhinteen dagaalkaas, inkatoo uusan sheegin tirada ka dhimatay dhinacooda.

Wararka waxay intaas ku darayaan in dadka ku dhintay weerarka al-shabaab uu ku jiro guddoomiyihii degmadaasi Maxamed Tooxyare Nuux oo xiliga Weerarku dhacayay ku sugnaa saldhigga.

Bishii January ee sanadkii hore, Kooxda Al-shabaab waxay sheegtay inay dileen in kabadan 100 askari oo kiiniyaan ah, weerar ay ku qaadeen saldhig Milteri oo ku lahaayeen degaanka ceel cadde ee Gobolka Gado ee koonfurta Soomaaliya. tiradaasi oo ay beeniyeen dowladda kIiniya.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *