Musharixiin ka badan 15 oo shir ku yeeshay Muqdisho

Published: January 27, 2017

Musharixiin ka badan 15 oo dhamaantood u tartamaya hal kursi oo ah kursiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shir ku yeeshay Muqdisho. Musharixiinta kale ee ka maqnaa shirka ayaa ahaa Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cumar Cabdirashiid Sharmaarke. Musharixiinta shirka ku yeeshay Hotel al-Jaziira waxaa kamid ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Cabdiraxmaan Faroole, Cabdulqaadir Cosoble, Maxamed Farmaajo iyo qaar kale oo badan.

Ujeedada shirkan ayaa markii hore ahayd in ay ka hadlaan laba qodob oo ah jadwalka doorashada taas oo ay sheegeen in aan wax talo ah laga weydiin iyo in ay doortaan afhayeen ku hadla Musharixiinta u midoobaya kuwa kale, labadan qodob ayaa noqdey mid lagu fashiley oo aysan waxba ka soo saarin.

Shirkooda ayey ugu danbeyntii ayey soo saareen Baaq dhamaantood ku socda oo ah in la dejiyo qorshe cad oo lagula dagaalamayo Muqus-maasuqa, in loo sinaado Warbaahinta iyo in ay helaan ilaalo u gaar ah.

War saxaafadeedkii ka soo abxay waxaa warbaahinta u akhriyey Ridwaan Xirsi oo aan horey ugu dhawaaqin in uu yahay Musharax, kadib markii aan la isku waafaqin in ay yeeshaan afhayeen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *