Britian oo 12 Milyan oo Dheeraad ah ugu Deeqday Soomaaliya

Published: January 28, 2017

Dowladda Britian ayaa 12 milyan dollar oo dheeraad ugu yaboohday in wax lagaga qabto abaaraha daran ee ku dhuftay qaybo badan oo ka mid ah soomaaliya.

Pritu Patel oo La Kulmaysa Kuxigeenka wakiilka midowga Afrika ee Somaliya Lydia Wanyoto iyo saraakiisha Amisom

Xoghayaha Iskaashiga Caalamiga ee dowladda Britian Pritu Patel oo maanta booqasho gaaban ku timid magaaladda muqdisho ayaa yaboohan ku dhawaaqday ka dib markii ay la kulantay Guddoomiyaha barlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari iyo ku xigeenka xoghayaha qaramada midoobay Peter De Clercq, waxayna ka wada hadleen xaalada bani`aadanimo iyo dhibaatada ka dhalalatay abaaraha, waxay kaloo ka wada hadleen arrimaha doorashadda madaxweynaha Soomaaliya

Lacagta ay ku yaboohday dowladda Britian ayaa lagu wareejin doonaa hay`adaha WFP, Unicef iyo Hay`ada Beeraha ee FOA, waxaana loo adeegsan doonaa in cunnooyin, adeegyo caafimaad iyo waxyaabaha kale asaasiga lagu gaarsiiyo dadka abaaruhu saameeyeen.

Dhinac kale, dowladda Britian waxay kaloo ballanqaaday inay sii wadayaan taageeradii maaliyadeed ee ay siin jireen ciidamadda midowga afrika ee ka howgala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya

Boqortooyada Britian waxay ka mid tahay wadamada deeqda ugu badan siiya Soomaaliya, waxayna afartii sanno ee la soo dhaafay ay bixisay lacag ka badan 200 milyan oo dollar, taasi oo loo adeegsaday arrimaha bani`aadanimada iyo barnaamijyada dib dhiska dowlanimada Soomaaliya.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *