In ka badan 120 arday oo ka qalin jabisay machadka Sooyaal-Sawiro

Published: January 28, 2017

Magaalada Bosaaso Waxaa lagu qabta xaflad oo ay ku qalin jabinaayeen arday wax kabaratay machadka Sooyaal oo ay xaruntiisa ay ku taalo magaalada Bosaso.

Xaflada qalin jabinta yaa waxaa laguqabtay hoolka shirarka ee Jaamacada Bosaaso waxaana ka soo qaybgalay maamulka machadka, macalimiin, arday, xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka ee degmada Bosaso , ,mamulka jaamacada Bosaso, agaasimaha wasaarada warfaafinta Puntland ee G/Bari iyo marti sharaf kale.

Maamulaha Machadka Sooyaal Maxamed Maxamuud Cismaan oo ugu horeyn daah-furka xafladda ayaa sheegay in ardayda ka qalin jabisay ay barteen maaadooyinka kala ah Caafimaadka, luuqada, iyo saxaafada Waxayna ay tiradooda guud ay Gaaraysaa 124 Arday .

Ardayda ka qalin jabisay Luuqada waxa ay Gaarayaan 11 Arday, halka ardayda ka qalinjabisay Saxaafadaay dhammaayeen 51 Arday, Caafimaadka Waa 62 Arday saas ayayna Wadartooda ay ku noqotay 124 Arday oo waqtiyo kala duwan Machadka Dhiganaayay

Agaasimaha Wasaarada Warfaafinta ee G/Bari Maxamuud Warsame Fuube oo xafladda Hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan Ay isgarab taagi doonaan Gaar ahaan Ardayda ka qalin jabisay Saxaafada Shaqa Abuurna loo samayndoono .

Xildhibaan Maxamed Maax Colow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha deegaanka ee Degmada Bosaaso Gaar ahaan arrrimaha Bulshada ayaa Ardayda ka qalinj abisay Machadka sooyaal ugu hambalyeeyay Aqoonta ay barteen waxaana uu ku dhiiri galiyay in waxbarashada ay halkaasi ka sii wadaan oo aysan ka harin.

Gaba-gabadii Waxaa Xaflada Qalin jabinta Dufcadii labaad ee Machadka Sooyaal soo gunaanaday kormeeraha Wasaarada Waxbarashada ee G/Bari Muuse jabriil waxaana uu sheegay in wasaarada WaxbarashadaPuntland ay aad ufarxad galisay in Macadka Sooyaal tiro intaa la’eg oo Arday ah uu soo saaro waxaan uu kormeeruhu uu sheegay in Machadka Sooyaal uu ka diiwaan gashanyahay Wasaarada Waxbarashada uuna buuxiyay dhammaan shuruudihii looga baahnaa.

Dufcadan ayaa noqonaysa dufcaddii labaad oo sandka 2017 ka qalin jabisa Machadka Sooyaal tan iyo Markii laasaasy Machadka Sanadkii 20004 dabayaaqadiisii

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *